Madaxweyne Cabdi oo Cafis u fidinaya Maxaabiis Badan Maalinta Ciidda

09 Sep 2010 by -

jigjiga (NogobNews) 09/09/2010  Wararka naga soo gaadhaya magaalada jijiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha DDS Cabdi Maxamuud Cumar oo ku talio jiro in maalinta Barito ah munaasabadd Ciidda awgeed uu madaxweynuhu fidanayo Cafis balaadhan oo lagu sii dayn doono maxaabiis badan oo ku jira jeelka dhexe ee DDS ee ku yaalla magaalada Jijiga.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo isagu la soo afurey Maxaabiista soona indha indheeyay xaaladda ay ku nool yihiin ayaa balan qaadey in sidii caadiga aheyd Maxaabiis lasii dayn doono Maalinka Ciidda ah iyadoo dadkani la dabaaldagi doonaan ehelkooda ay muddaba kala maqnaayeen.

Cafiskan iyo sii daynta Maxaabiista ayaa mid aad looga soo dhaweyn doono daafaha dunida waxaana laga yaabaa iney goob joog ka ahaadaan munaasabaddaas dad badan oo qurba joog ah kuwaasoo ka kala yimid daafaha adduunka markii ugu horeysey.

nogobnews@hotmail.co.uk

Related articles