Talaabo Dayasho Mudan:Dugsiga sare ee Shilaabo oo 6 jirsaday

28 Sep 2010 by -

shilaabo (NogobNews)29/09/2010 Dugsiga sare ee Shilaabo oo galay sannadkiisii lixaad ayaa noqday kuwa ugu tayada roon deegaanka soomaalida (ogadenia).Jaaliyadda reer Shilaabo ee dibedda ku dhaqan ayaa abuurantay sannadkii 2004 tii kaddibna waxaa maskaxdooda ka soo maaxatay inay Shilaabo ka yagleelaan Dugsi sare si ubadka da’yarta ahi u helaan aqoon sare oo aan

 socdaal dheer loo gelin.

Haddaba sannadkii 2005 tii ayey jaaliyaddu iskeeda u hirgelisay dugsigaas sare isla markaana ula heshiisay macallimiin tayo fiican oo aqoon sare leh oo ay ka soo ijaarteen magaalooyinka Diredawa iyo Jigjiga.

Sida uu noo caddeeyey guddoomiyaha jaaliyadda dibedda ee reer Shilaabo Ahmed Ali Sahal, kaddib markii ay dawladda federalka ee Ethiopia aqoonsatay dugsigan sare ayey dawladda deegaanka soomaaliduna hirgelisay dhismaha dugsiga sare oo aad u baaxadweyn casrina ah.
Iskuulkan oo waafaqsan manhajka waxbarasho ee Ethiopia ayaa ku ekaa fasalka 10aad waa sida uu yahay nidaamka waxbarasho ee Ethiopia’e

Sidaas awgeed markii ay ka soo qalin jebiyeen 3 dufco ama hormo oo arday ah sannaddadii 2007, 2008 iyo 2009 kuna soo gudbeen dhibco aad u sarreeya ayaa jaaliyaddu garwaaqsatay in ardaydu weli baahi u qabaan inay sii wataan tacliinta sare ilaa heer jaamacad, waxayna taasi geyaysiisay inay jaaliyaddu u hawl gasho sidii Shilaabo looga furi lahaa fasallada 11aad iyo 12aad ee loo yaqaan (Preparatory) kuwaasoo ay isku diyaariyaan ardayda keensata dhibcaha sare si ay Jaamacad ugu sii gudbaan, taasoo iyana Ilaahay mahadi ha ka gaadhee suurowday sannad dugsiyeedkii 2009/2010 oo ay ardaydii ugu horraysay ku xerootay fasalka 11aad maantana (sannad dugsiyeedka 2010/2011) ay dufcaddii ugu horreysay gashay fasalka 12aad.

Sida uu noo xaqiijiyey madaxa mashruuca waxbarashada ee jaaliyadda reer shilaabo Eng. Abdisamed Sheik Qasim iyo kaaliyihiisa Abdinasir Hassan Barud ayaa imtixaankii sannad dugsiyeedka 2010/2011 sidan u dhacay:

Fasalka 9aad waxaa u fadhiisatay 89 arday, 82 gudubtay balse nasiibdaro 7 arday ayaan nasiib uhelin inay gudbaan. Fasalka 10aad waxaa fadhiisatay 163 arday dhammaan gudubtay.Fasalka 11aad waxaa fadhiistay 44 arday 42 gudubtay 2 arday ayaa sidoo kale helay dhibco kayar intii lagadoonayay inay kubaasaan.Ardayda fasalka 10aad 114 ka mid ahi waxay heleen dhibco sare waxayna u sii gudbayaan (Preparatory)

Maamulka jaaliyadda reer Shilaabo wuxuu halkan mahdnaq iyo bogaadinba uga soo jeedinayaa xubnaha Ilaahay ka sokow hirgeliyey mashruucan una huray maalkooda iyo wakhtigoodaba inta kale ee horumarka bulshada jecelna waxaan ugu baaqaynaa inay nagala soo qaybqaataan si loogu hammiyo mashaariic kale oo wax tar leh.

Ugu dambayn ciddii danaynasa inay ka qaybqaadato hanagala soo xidhiidho

Xafiska Wararka Shabakada Wararka ee nogob news cagmadhige shilaabo

Akhriso oo Booqo  Shabakada Caalamigaa Ee  www.nogob.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Deegaanka soomaalida iyo Soomaaliya.Iyo Geeska Africa Iyo Waliba Caalamka Inteesa

                                                                        Kale Soo Noqo Adoo Nabada

                                                 NALA SOO XARIIR nogobnews@hotmail.co.uk

Related articles