Shirweynihii 3aad ee ONLF oo labo maalmood kadib kusoo dhamaadey Garigoan

03 Oct 2010 by -

Garigoan (NogobNews)03/10/2010, Shir si fiican loo soo agaasimay in badana la ga soo shaqeynayey ayaa waxa uu ka furmay tuulada Geri-Go’an oo ka tirsan degaanka Nogob. Shirkan ayaa waxa uu ka mid ahaa shirarkii ay qabsan jirtay ONLF, kuna qabsan jirtay wadanka dibadiisa. Shirkan ayaa waxa sanadkan suurta gashay in lagu qabto wadanka ( Ethiopia ) gudihiisa. Shirkan ayaa waxa la qabtay sodonkii bishan, waxana uu socday labo maalmood

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mudane Abdi Maxamed Cumar, Gudoomiyaha Xisibiga Abdifatax Sh. Abdullahi iyo Enj. Saalaxdiin Abdiraxman Mocow iyo Gudoomiye ku xigeenka ONLF Abdirashid Shariif. Waftigan ayaa sidoo kale waxa la socday wafti balaaran oo ka kala yimid dalka dibadiisa sida: Maraykanka , Canada , Yurub, Arabta , South Africa iyo Kenya .

Shirkan ayaa ujeedadiisu ahayd in looga hadlo geedi socodka ururka iyo marxaladaha uu marayo. Intii uu socday shirka ayaa waxa lagu gudoonsaday sedex qaybood: kow, waxa dib loo ansixiyey in ay howsha sii wadaan gudida hada xilka haysa. Labo, in laga wada shaqeeyo nabada dhamaan xubnaha ururka iyo taageerayaasha dal iyo dibadba. Sedex, in la dhameystiro heshiiska hada socda ee u socda urruka iyo Ethiopia , lagana gaaro miro dhal.

Ugudanbeyntii, Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida, mudane, Abdi Maxamed Cumar, ayaa booqday iskuulka hoose dhexe ee Geri-Go’an iyo Ceelka biyaha laga cabo, intii uu ku jirey booqashadiisa ayaa waxa uu la kulmay dadweynhii degaanka, madaxweyne Abdi, ayaa ah madaxweynhii ugu horeeyey ee booqda Geri-Go’an intii madaxweyne ee soo maray kilka. Madaxweynaha oo ay aad ugu farxayn shacabkii imaatinkiisa kana dhagaystey baahidooda, Intii uu madaxweynaha joogay ceelka ayey waxay ay wada shubeen oo wadaanta isla qabteen labada dhinaca Enj, Macow, halkaas oo ay dadweynaha ku tilmaameen in ay usoo carfeyso nabad waarta oo ka dhacada dhamaan deegaanka, maadaama ay Geri-Go’an ahayd meeshii colaada lagu go’aamiyey oo uu ururku ku shirey kol hore, maantana lagu qabtay shir nabad ah.

Abdimalik Askar

Related articles