M/weynihii Hore Ee DDS Mudane Daauud Manta Ka Qeybgalay CiidulFidriga Ee Jigjiga

30 Aug 2011 by -

Jigjiga (NogobNews) 30/08/2011 Madaxweynihii hore ee DDS Mudane Daauud Maxamed Cali,ayaa Maanta Galinkii hore ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga si uu farxada Ciidul-Fidriga ula qaybsado shacabka DDS,halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen qaar ka mida Golaha Wasiirada DDS.

Ka Dib ayaa loo soo Galbiyay Dhanka Xarunta Madaxtooyada DDS oo uu ilaa iyo Hada uu ku suganyahay,Mudane Daauud Maxamed Cali ayaa ka mida Wasiiro ku Xigeenada Soomaalida toobiya ugu Jira Federaalka.

Mudane Daauud Maxamed Cali ayaa ay Wajigiisa ka Muuqatay Farxad iyo Rayn-rayn aan la Qiyaasi karin.
 
Mar aanu wax ka waydiinay Shucuurtiisa ku Wajahan Imaatinkiisa Magaalada Jigjiga waxa uu Dareen Farxadeed ku yidhi,aad ayaan ugu faraxsanahay n aan Imaado Magaalada Jigjiga si aan ula qaybsado Farxada Ciidul-Fidriga Shacabkayga aan u soo Hiloobay,Sidoo kalana Mudane Daauud ayaa laga dheehan karayay wajigiisa baaxada arxadeed ee ka muuqatay.

Mudane Daauud Maxamed Cali ayaa ugu hambalyeeyay Guud ahaan Muslimiinta Adduunka,itoobiya iyo shacabka DDS meel kasta oo ay ku kala sugan yihiinba in ay ku Ciidaan Farxad,Barwaaqo-Horumar iyo Nabadgalyo Taam ah,Ciidan Ciida ku Xigtana lagu wada Ciido Guud ahaan Shacabka DDS Dal iyo Dibadba oo Midooba kana Xorooba Aragtidii Dibu Dhaceed ee Nabad-diidka Argagaxisada BO ku Majaro Habaabiyeen Maatida iyo Waxmagaratada.

Related articles