Ugaas Xasan oo tahniyada ciidul – fitriga udiraya Guud ahaan muslimiinta dunida

31 Aug 2011 by -

London (NogobNews) 30/08/2011 Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa tahniyad farxadeed ugu bogaadinaya shacabka u soomanaa cabsida eebe darti mudada bisha ah, lehna CIID – MUBAARAK kuna ciida faxad, raynrayn iyo barwaaqo Ugaas Xasan ayaa dareenkiisa farxadeed ugu tahniyadaynaya ilaaha kusimay inuu laqaato shacabka farxada iyo qiimaha balaadhan ee ay ciidul fitrigu ku fadhido kana baryaya ilaahay in  ciidan ciida xigta laguwada ciido nabad iyo horumar taam ah xaqiijisana geediga loogu jiro dhidibo u aasida umad lajaanqaadi karta aduunka horumaray.

Ugaas Xasan isagoo fadliga iyo farxada ciidan kafaa’iidaysanayana wuxuu dhamaan umada islaamka ah ee udhalatay deegaanka ee kusugan daafaha dunida uu ugudbinayaa fariintiisaq ah WALAALAYAAL DHAMAANTIIN WAXAAN EEBE IDIINKA BARYAYAA CIIDAN CIIDEEDA INAAD CAAFIMAAD QAB IYO CIBAADO KU GAADHAAN , islamarkaana dhamaantiin waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad kaqaybqaadataan Horumarka iyo xasiloonida nabada ee deegaankeena maanta ka hanaqaaday.. Allaa Mahad leh

                               CIID WANAAGSAN DAL IYO DIBADBA MEEL WALBA OO AAD KUSUGAN TIHIIN

nogobnews@hotmail.co.uk

Related articles