Kadinka Wararka Degaanka Madaxwaynaha Dawlada deegaanka soomaalida oo kusugan Degmada Garbo iyo Shirwayne Bari Kadhicidoona Garbo

23 Sep 2011 by -

Garbo (NogobNews) 22/09/2011 Sida aad lawada socotaan Madaxwaynaha Deegaanka Mudane Cabdi maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Maalinkii Doraad ahaa gaadhay magaalada dhagaxbuur halkaas oouu madaxwaynuhu sidaad lasocoteenba xadhiga kaga jaray furitaanka Maamulka magaalada dhagaxbuur (Council) islamarkaana shirar kala duduwan oo kale ay waftigii lasocday halkaas kuqabteen.

Hadaba madaxwaynaha oo la ogsoonyahay inuu yahay madaxwaynihii ugu horeeyay ee door bida inuu lug kumaro dhamaan degmooyinka deegaanka si uu ula kulmo shacabkii udoortay xilka madaxwaynenimo ee uu maanta hayo islamarkaana indhihiisa iyo dareenkiisa ugu soo ogaado xaaladaha dhabta ah ee shacabka deegaanka sidoo kalana aad u danaynaya in uu xal u helo gabi ahaanba dhibaatooyinkii ka jirijiray dhanka horumarka deegaanka ayaa uu door biday inuu lugihiisa kusoo maro deegaanka oo dhan.

islamarkaana madaxwaynaha oo ilaa shalay kusugnaa magaalada dhagaxbuur ayaa saaka aroortii usocdaalay dhanka degmada garbo wuxuuna madaxwaynuhu socdaalkiisan kusii maray tuulooyinka iyo degmooyinka ay kamidka yihiin Birqod, hiilay, Dhabaajiriso, Qolad, Sibi, iyo wancari iyo meelo kale oo badan islamarkaana aad u indha indhaynayay xaaladaha kajira goobahaas iyo sida ugu fudud ee xal dagdag ah uu ugu heli lahaa dhamaan waxyaabaha ay u baahanyihiin shacabka ku dhaqan goobahaas kala duwan.

Dhanka kale intii uu madaxwaynuhu socdaalka ku jiray ayaa waxaa wadada dhinacyadeeda lagu arkayay sigaarana loodaawanayay baabuur aad u tiro badan oo ay shacab iyo hay’adaha WFP lahaayeen oo ay gubeen budhcada UBO halkaasoo ay kaga faaloonayeen qaar kamida masuuliyiinta ururka onlf ee nabada qaatay oo kasheekaynayay sidii ay u gubeen iyo danahay kalahaayeen dhawaana iyadoo muuqaal ah ayaan dib idiinkasoo gudbin doonaa…

Ugudanbayntii Madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay magaalada garbo waxaana halkaas si aad u heer saraysa ugu soo dhaweeyay shacabka degmada garbo oo aana yar iyo wayn u kala hadhin salfiyadii ay kusoo dhawaynayeen iyagoo watay caleemo qoyan islamarkaana ay wadooyinka kusoo bandhigayeen dhaantooyin iyo waliba dumarka oo gooni gooni ugu damaashaadayay iyagoo soo bandhigayay ciyaaro dhaqameedyo kala duwan oo uu gobolka iyo deegaankuba caan ku yahay waxaana indhaha shacabka iyo jawigoodaba laga dareemayay farxad iyo rayn rayn aad u heer saraysa.

Waxaana islamarkiiba shacabka degmada garbo bandhig faneed aad u casriyaysan aadna u qiimo badan usoo bandhigay kooxda fanka ee liyuu booliska ee wadani stars oo ay shacabka degmada garbo ilaa habeenimadii kugaadheen daawashadooda iyo damaashaadka farxadooda ku wajahan booqashada madaxwayne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar. 

Waxaa hubaala oo uu qofwalbaa ka markhaati kici karaa in uu madaxwayne Cabdi maxamuud cumar yahay madaxwaynihii ugu horeeyay ee doorbida dhexdana uga xidha in uu dhamaan degmooyinka deegaanka cagihiisa kusoo maro si uu u ogaado xaaladaha dhabta ah ee kajira dhamaan degmooyinka oo dhan si uu su’aalaha shacabka ugu helo jawaabo iyo xal dag dag ah sidii horayba looga bartay hadana loogu yaqaano.

Maalinka bari ah ayaa lafilayaa in uu magaalada garbo ka dhici doono kulan ama shir aad u balaadhan oo ay kasoo qayb gali doonaan dhamaan qaybaha kala duduwan ee 

shacabka gobolka fiiq halkaasna ay kula kulmi doonaan madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo.

Shirkaas iyo wixii kasoobaxana dib ayaan maalinka bari ah idinkala soo socodsiindoonaa…

Related articles