Madaxwaynaha Oo Xusidii Calanka Kaga qaybgalay Degmada Dh/madaw lana kulmay shacabkaas hadana kusugan jigjiga

27 Sep 2011 by -

Jigjiga (NogobNews) 27/09/2011 Daah inagama saarna in aynu la wada soconay kormeerka hawleed ee uu madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ku tagay degmooyinka Dh/buur,Garbo,Sagag iyo Degmada Dh/madow oo nasiib u heshay in Madaxweynaha Booqashadiisu ku soo Aado Xuska 4aad ee Maalinta Calanka Qaranka Dawlada Federaalka Itoobiya,halkaas oo uu Madaxweynuhu Maanta Shacabka Degmada Dh/madoow uu kala Qaybgalay Xuska Calanka taasoo farxad aan la qiyaasi karin ku abuurtay shacabweynaha Degmada Dh/madow.

Waa markii ugu horaysay ee uu Madaxweyne DDS Booqdo degmooyinka Garbo,Sagag iyo Dh/madow,booqashadan ayaa shucuur iyo farxad gaara  Bulsho-wayntaasi ku beertay ka dib markii uu Madaxweynuhu ugu yimid socdaal Dhulka ah.

Sidoo kale Kormeerkan hawleed ayaa uu madaxweynuhu kula yeeshay Degmo kasta Shir odoyaal-dhaqameedka,Culumaaudiinka,Haweenka iyo dhalinyaradaba,sidoo kalana la yeelananayay Qaar ka mida`Bulshada Kulamo Gaar gaar ah,Halka Qurbajoogta ka soo jeeda DDS ee ku dhaqan Dalka Dibadiisuna ay kaga qaybgaleen shirarkan Aalada Casriga ah ee Pal-Talk.

Nuxurka Madaxweynuhu uu kala hadlayay kulamada uu la yeeshay Shacabka ku dhaqan Degmooyinka kor ku xusan ayaa Salka ku hayay Dhinacyada Horumarka,Nabadgalyada,kaqayb-galka Dadweynaha,Maamulka Suuban iyo Taabo-galinta Dibucurashada.

Waxaa Xusid Mudan in Kormeerka Madaxweynaha ay wehelinaysay in uu u kuurgalo heerka ay taagan tahay xaalada nololeed iyo caafimaad ee bulshada ku dhaqan Degmooyinkaas,gacantana ka Siinayay Cuntooyin kala jaad-jaad ah oo nafaqaysan Caruurta iyo Qoysaska Tabarta Daranba,halka Qoysaska ay awoodooda Dhaqaale liidatana kuus lacag ah oo ay kula tacaalaan baahiyahooda nololeed gacanta ka siinayay.

Hadaba Degmadii ugu Danbaysay Kormeerka`Madaxweynaha oo ah Degmada Dh/madow ayaa Nasiib u heshay in madaxweynuhu ku soo beegmo Maalinta Cisiga iyo Qadarinta Mudan ee Xuska Calanka Qaranimada Itoobiya oo Maalintan oo kale Dhamaan Dalka Itoobiya laga Xuso.

 Degmada Dh/madow ayaa ay Shacab aad u tiro badani isugu soo baxeen ka qaybqaashada Xuska Calan-saarka Dalka,halkaasoo intii laga gaadhayay saacadii ay isku mar ka wada Dhici lahayd Dawlada Federaalka Itoobiya Calansaarku ay sii Maaweelinayeen Fanaanada Caanka ah ee Nimco-wadani(Dareen) iyo kooxda wadani star.

Abaarihii 11 barqanimo oo ahayd xiligii dhamaan deegaanada dalka loogu talogalay calansaarka ayaa uu Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Ku Dhexsaaray Calanka Goobtii Degmada Dh/madow ay ugu talo Gashay calansaarka.

Guud ahaan Shacabka ayaa aad ugu riyaaqay Booqashada iyo kormeerka Madaxweynaha Hambalyeeyayna Nidaamka Dibu Curashada ee ka Taabo Galay Dhamaan Degmooyinka.

 Islamarkaana waxaa si heer sare ah aadna loogu diirsaday u qabsoomay shirwaynihii Shacabka Degmada dhagaxmadaw ee lagaga wada hadlayay sidii loo xoojinlahaa horumarinta degmada dhagaxmadaw oo uu madaxwaynuhu aad ugu dheeraaday iyo sugida amniga degmada oo uu madaxwaynuhu carabka aad ugu adkeeyay in cida koobaad ee ka faa’iidaysanaysa sugida amniga dhagaxmadaw ay yihiin shacabka ree dhagaxmadaw islamarkaana ay lagudboontahay inay ilaashadaan amnigooda kana hortagaan dhamaan waxyaabaha ka carqaladaynaya inay degmadu horumar gaadho lagana digtoonaado xubnaha iyagu kusifoobay khaladaadka ee inta badan isku daya inay isku dhuftaan reeraha walaalaha ah ee degmada dhagaxmadaw loona wada istaago sidii looga qaybqaadan lahaa horumarka ka hanaqaaday deegaanka taasi oo ay xukuumadu boqolkiiba boqol diyaar ula tahay inay degmada dhagaxmadaw uyeelandoonto il gaar ah si loo horumariyo loogana soo kabo dib u dhacyadii ku yimid mararka qaar.

Isku Soo wada duuboo Madaxweynaha iyo Xubnihii wehelinayayba ayaa fiidnimadii iyadoo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo raynrayni ku soo laabtay magaalada jigjiga.

Related articles