Madaxwayne Cabdi Maxamuud oo sagag kusugan iyo Shirwaynihii oo Caawa soogabagaboobay

27 Sep 2011 by -

Sagag (NogobNews) 24/09/2011 Sidaad lawada socotaanba waxaa maalmahanba degmooyin kamida gobolka fiiq socdaal kukala bixinaya madaxwaynaha Deegaanka Mudane Cabdi maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo kuwehelinaya oo ay kamid yihiin Lataliyaha Dhanka Amniga ee madaxwaynaha mudane Cabdi Bade cismaan iyo Qaar kamida masuuliyiintii onlf ee nabada qaatay, waxaa sidoo kale socdaalkan madaxwaynaha kuwehelinaya Warbaahin kala duwan oo aad u farabadan oo ay kamid yihiin telefishinka DDS iyo TV ga caalamiga ah ee Universal iyo waliba shabakada Cakaaranews iyo qaar kale oo lamida.

Madaxwaynaha ayaa saaka aroortii kasoo ambabaxay Degmada garbo unasoo ambabaxay Degmada sagag isagoo madaxwaynuhu intii uu socdaalka ku jiray marba meesha uu reer degan ku arko iyo marba meesha uu kula kulmo dad lugaynaya ama ciyaal xoolo lajooga markasta ujoogsanayay xog waraysi uu la yeelanayay kadibna siinayay daawooyinka dadka iyo xoolaha sidoo kalana siinayay raashin iyo buskud uu caruurta uqaybinayay isagoo aad ugu faraxsanaa wakhtiga iyo fursada uu u helay inuu dadkiisa kula kulmo meelaha ay deganyihiin islamarkaana laqaato wakhti halkaasna kusiiyo wixii uu ugu tallo galay oo isugu jiray daawooyinka dadka iyo xoolaha iyo manaafacaad kale.

Socdaalkan ayaa waxaa madaxwaynaha kuwehelinayay oo kale dhakhaatiir kasocotay Wasaarada caafimaadka deegaanka iyagoo waday baabuur daawooyinka xoolaha iyo dadka isugu jira iyagaana daawaynayay cid walba oo xanuunsan oo ay dhexda kulasookulmaan ama uu madaxwaynuhu ujoogsado inuu bariidiyo halkaasna kuwa ubaahan daawaynta sidaas lagu daawaynayay sidoo kalana lasiinayay daawada xoolaha iyadoo loosharxayay qaabka ay u isticmaalidoonaan.

Intaa kadib waftigii uu madaxwaynuhu horkacayay ayaa soogaadhay laagta caanka ah ee SULUL laagtaas oo ah laag aad caan u ah aadna looga yaqaano deegaanka oo dhan waxaana halkaas madaxwaynaha kaga horyimid shacabka reer sagageed oo laga soo bilaabo laagta sulul ilaa magaalada sagag is daba taagnaa iyagoo watay caleemo qoyan una taagnaa koox koox sida dhalinyaro, odayaal, haween , culumaa’udiin iyo caruurta magaalada sagag waxayna ku dhawaaqayeen erayo badan oo soodhawayn ah oo kala duwan iyo gabayo iyo waliba dumarka oo ciyaaro dhaqameedyo kala duwan halkaas kusoo bandhigayay sida buraanburka IWM.

soodhawayntaas aadka u qiimaha badnayd kadib waxaa sitoosa durba iyagoon nasanin shacabka Degmada sagag si hagar la’aana bandhig faneed iyo ruwaayado ugu soo bandhigay kooxda fanka ee liyuu booliska ee wadani stars oo ay ku wehelinaysay Fanaanada caanka ah ee Nimco Dareen, waxayna halkaas kusoo bandhigeen heeso aad u farabadan iyadoo ay shacabka degmada sagag aad ugu farxeen aadna ugu riyaaqeen qaabkii ay kooxdu usoo bandhigaysay heesaha iyo ruwaayadaha oo ahaa kuwo si heer sare ah loosoodiyaariyay.

Hadaba kadib markii ay kooxdu in mudo ah maaweelinayeen shacabka sagag ayaa waxaa toos looguda galay shirwaynihii shacabka Degmada sagag waxaana halkaas lagusoo dhaweeyay madaxwaynaha deegaanka mudane cabdi maxamuud cumar oo khudbadiisii kubilaabay salaan qaali ah iyo mahad celin uu shacabka sagag uga mahadceliyay soodhawayntii oo ahayd mid aad u qiimo badnayd aadna u farxad galisay madaxwaynaha iyo waftigii wehelinayay iyadoo siduu madaxwaynuhu sheegay aad u dhiirigalisay ka go’naanshihii madaxwaynaha ee kuwajahnayd horumarinta deegaanka oo dhan gaar ahaan degmada sagag iyo kuwa lammidka ah.

khudbada madaxwaynaha ayaa ahayd mid aad u dheerayd islamarkaana taabanaysay dhinacyo badan oo ay kamid ahaayeen taariikhda uu deegaanku soo maray iyo maamuladii usoo kala danbeeyay iyo dhibaatooyinkii ka jiri jiray qaab usocodka shaqada deegaanka taasi oo ugu danbayntii gabi ahaan deegaanka oo dhan lagu sameeyay sixitaan kor ilaa hoos ah taas oo lagu sameeyay dhamaan hay’adaha kala duwan ee deegaanka haday noqoto dhanka hay’adaha amniga iyo kuwa horumarka labadaba arintaasina ay uhorseeday deegaanka isbadalka lataaban karo ee maanta ka muuqda deegaanka.

Inkastoo ay khudbadu aad u dheerayd mar uu madaxwaynuhu kahadlayay dhanka dhibaatooyinka UBO iyo qaabka siyaasadeed ee ay kugumaadayaan shacabka gobolka nogbeed ee ay kamidka yihiin degmooyinka sagag, fiiq iyo xamaro iyo inta kale oo dhan ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in uu aad ulayaabay hawlgalkii lamagacbaxay qab iyo hanjabis ee ahaa dagaalkii lagu qabqabtay qaarna lagu laayay meesha layidhaahdo maarmaar ee xadka u ah somaliland iyo deegaankeena dhalinyaradii ay ubo soo marinhabaabisay ee ay kasoo marin habaabiyeen shacbiya.

iyadoo Dhalinyaradaas intii la laayay iyo intii nolosha lagu qabqabtayba ay boqolkiiba 80% ahaayeen dhalinyarada qabiil ahaan kasoo jeeda qabiilka maalinguur arintaasina ay tahay mid aad u fajac galisay madaxwaynaha.

Dhanka kale madaxwaynuhu wuxuu shacabka sagag ugu bishaareeyay in mudo dhaw ay caasimada gobolka fiiq ee degmada fiiq helidoonto electric power ay isticmaalidoonaan 24 saac maalin walba iyadoo soojiiditaankii laydhku uu gabogabo ku dhawyahay halkaasna ay kusuuroobi doonto in degmada fiiq degmooyinka u dhaw oo dhan looga jiidi doono sidaasna ay shacabka sagag kuhelidoonaan laydha 24 saac ushaqayndoona, iyo waxyaabo kale oo badan oo laxidhiidha dhanka horumarinta dagmada sagag.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa aad ugala dardaarmay shacabka sagag inay dhexda u xidhaan sugida amniga iyo inay sii xoojiyaan kaqaybgalkooda ku aadan dadaalka loogu jiro soo afjarida sugida amniga si ay dagmada sagag u hesho loona gaadhsiiyo dhamaan qaybaha kala duwan ee horumarka islamarkaana ay ula jaanqaado degmooyinka kale ee horumaray ee deegaanka.

madaxwaynaha kadib ayaa waxaa shirkaas ka hadlay Bashiir cabdi khaliif (bashiir sanyare) oo kamid ahaan jiray budhcada UBO islamarkaana u dhashay gobolka Nogbeed
wakhtixaadirkana dib iska saxay kana tanaasulay fikirkii waalida ahaa ee maangaabnimadu ku dheehnayd unasoojeedsaday kaqaybqaadashada dadaalka loogu jiro horumarinta shacabkeena.

Hadaladii bashiir sanyare ayaa waxaa kamid ahaa maahmaah uu nin shacbiya uqaabilsan marinhabaabinta ogaadeen waydiiyay dhalinaradii ay kusoo daadiyeen xeebaha soomaliland oo uu waydiiyay wakhtigii ay diwaangalinta kuwadeen ee ay casmara ku hayeen, Hadaba hadalkan ayaa Budhcadkaas shacbiya kasoo yeedhay kadib markii uu dhalinyaradaas waydiinayay qofwalba magaciisa iyo gobolka uu kasoo jeedo islamarkaana dhalinyaradii boqolkiiba 80% inkabadan ay jawaabtoodu ahayd gobolka fiiq halka ay gobolada kale sida gobolka Qoraxay iyo dhagaxbuur sadex qof iyo wax lamida kasheeganayeen inay kasoojeedaan goboladaas.

Hadaba isagoo aad uyaabay ayaa wuxuu yidhi bashiir oo agtaagnaa markaas ayaa wuxuu dhalinyaradii ku yidhi waryaadaheen (OGAADEEN MA FIIQ OO KALIYA AYAA LAGA GUUMASYTAA) Bashiir ayaa arintan shacabka hortiisa kasheegay isagoo khudbadiisii siiwatay aadna ay arintaasi u qiiro galisay shacabka reer sagageed iyo intii kale ee halkaas ku sugnayd.

Intaa kadib waxaa isna madasha shirka ka hadlay Daahir bareefad oo hada ka hor ahaan jiray xubin kamida budhcada argagixisada ah ee UBO, wuxuuna halkaas kasoo jeediyay war bixin ku wajahan dhibaatooyinkii ay gaysan jireen intii uu kamidka ahaa budhcada ubo isagoo shacabka halkaas ku waydiistay cafis maadaama oo uu dareemay dhibaatooyinkii uu shacabka ku hayay islamarkaana uu wakhtixaadirkan aad u qoomameeyay diyaarna u yahay inuu sameeyo wax alaale oo uu kaga qaybqaadan karo dadaalka loogu jiro horumarinta shacabka deegaanka.

Iskusoo duubo waxaa maalinka bari ah larajaynayaa in uu madaxwaynuhu gooni ula kulmidoono waxgaradka iyo odayaal dhaqameedka degmada sagag wixii faahfaahin ah ee kasoo kordhana halkan ayaan idiin kasoo tabin doonaa insha alaah

Related articles