M/weyne Cabdi iyo Waftigii uu horkacayay oo gaadhay Degmada Dh/Madaw

27 Sep 2011 by -

Dhagaxmadaw (Nogobnews) 25/09/2011 Sidaad wararkayagii hore kala socoteen waxaa maalmahanba socdaalo kumaraya degmooyin badan oo deegaanka katirsan madaxwayne cabdi maxamuud cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo, waxaana waftiga kamida lataliyaha dhanka amniga ee madaxwaynaha deegaanka Mudane Cabdi Bade Cismaan iyo qaar kamida masuuliyiinta ururka onlf ee nabada
qaatay

Haddaba iyadoo aad horay ulasocoteen in uu madaxwaynuhu socdaalkiisan kasoo bilaabay degmada dhagaxbuur halkaasna xadhiga kaga jaray councilka magaalada dhagaxbuur ayaa sidaad lasocoteen uu madaxwaynuhu usii gudbay degmada garbo kadibna degmada sagag.

Sidoo kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud iyo waftigii uu hogaaminayay oo saaka aroornimadii dhameeyay shirarkii ugu danbeeyay ee ay ku qabteen degmadaasi sagag ayaa waxay ukicitameen Degmada dhagaxmadaw islamarkaana intii ay socdaalkaas degmada dhagax madaw kusii jireen wuxuu madaxwaynuhu sidii caadada u ahayd meel walba oo uu ku arko
dad shacaba oo reer miyi ah oo ama lugaynaya ama xoolo lajooga ama reerkooda agjooga ayuu marwalboo uu indhaha saaro ujoogsanayay isagoo intuu lafadhiisto waraysanayay kadibna uqaybinayay daawooyinka xoolaha iyo tan dadkaba sidoo kalana caruurta halkaasi ugu qaybinayay cuntada nafaqada leh ee dhalaanka iyo kuwo dadka waawaynba waxaa kale oo uu  madaxwaynuhu shacabkaas u qaybinayay manaafacaad isugu jira cuntooyin kala duwan iyadoo ay dhakhaatiirtii madaxwaynaha lasocotay halkaas ku baadhayeen cidii xanuunsan ee u baahan baadhitaan dhanka caafimaadka ah, islamarkaana baadhitaan kadib siinayay daawooyin laxidhiidha caafimaadkooda una sharaxayay qaabka ay u isticmaalidoonaan.

Ugudanbayntii Madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay degmada dhagaxmadaw waxaana halkaas si aad u balaadhan ugu soo dhaweeyay shacabka degmada dhagaxmadaw oo meel aad uga durugsan magaalada usii taagnaa si ay waftigan balaadhan usoo dhaweeyaan iyagoo watay caleemo qoyan kuna dhawaaqayay erayo soo dhawayn ah oo aad u
qiiro galisay dhamaan waftigii uu madaxwaynuhu hogaaminayay, erayadaasna waxaa kamid ahaa Cabdi Roobloow soo dhawoow, Dib u curashada waanu ku diirsanay.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa wakhtixaadiran kusugan degmada dhagaxmadaw islamarkaana shacabwaynaha degmada dhagaxmadaw ayaa kumashquulsan  u diyaar garawga shirwaynaha ay maalinka bari ah kula kulmi doonaan madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo oo uu kamid yahay Lataliyihiisa dhanka amniga mudane cabdi bade
cismaan

Dhanka Kale roobab aad loogu diirsaday ayaa ka da’aya dhamaan degmooyinkii uu madaxwaynuhu kumarayay socdaalkiisa iyadoo ay shacabkii aad u farxad galisay booqashadii madaxwaynaha islamarkaana ay ugu darsantay farxadii roobka u hooray.

wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha shirwaynaha degmada dhagaxmadaw dib ayaan idiin kasoo tabin doonaa

Related articles