M/Cabdi iyo G/ Maxamed Rashiid Kaqaybgalaya shirka gudiga fulinta E.P.R.D.F.

29 Sep 2011 by -

Addis-Ababa (NogobNews) 28/09/2011 Sida lawada ogsoonyahay waxaa taariikhda markii ugu horaysay shirarka gudiga fulinta Xisbiga E.P.R.D.F oo ah xisbiga talada wadanka itoobiya gacanta ku haya hada ka hor kaqaybgalay madaxwaynaha Deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga ahna afhayeen Baarlamaanka Mudane Maxamad Rashiid Isaaq.

Shirka Gudiga Fulinta Xisbiga talada wadanka itoobiya gacanta ku haya ayaa ah shir aad u qiimo badan aadna u culus islamarkaana ah shir lagaga hadlo danaha wadanka itoobiya maadaama uu xisbigu yahay xisbiga talada wadanka itoobiya gacanta ku haya.

Haddaba iyadoo la wada ogsoonyahay in hada ka hor aysan maamuladii deegaanka soo maray ka qaybgali jirin shirarkaas gudiga fulinta ee xisbiga EPRDF ayaa kadib markii uu deegaanku ku talaabsaday horumar lataaban karo islamarkaana gabi ahaanba la wareegay sugida amniga deegaanka iyadoo la ogsoonyahay in ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee deegaanku goobihii amni daradu ka jirtay dhamaan kala wareegeen ciidamada qaranka islamarkaana kadib markii uu deegaanku gabi ahaan kor ilaa hoos u diyaar garoobay una istaagay dhexdana uga xidhay in deegaanka laga hirgaliyo horumar waara iyo dadaal uu ku dheehan yahay dareen wadaniyadeed ayaa waxaa suuro gashay in ay madaxda deegaanku ka qaybgalaan shirka gudiga fulinta EPRDF oo ah shirka looga taliyo danaha wadanka itoobiya.

Hadaba madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga ayaa 21 bishan ilaa 23 kaqaybgalidoona shirka gudiga fulinta xisbiga EPRDF aadna loogu rajo waynyahay inay kasoo
bixidoonaan go’aamo muhiim ah.

Related articles