M/weyne Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga oo ayka qeybgaleen Shirkii Gudiga Fulinta EPRDF oo furmay saaka

01 Oct 2011 by -

Addis-Ababa (NogobNews) 01/10/2011 Sidaad horayba ulasocoteen madaxwaynaha Deegaanka Mudane Cabdi maxamuud Cumar iyo Afhayeenka Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida itoobiya Mudane maxamed Rashiid isaaq ayaa ukicitamay Magaalada Addis ababa si ay uga qaybgalaan shirka Gudiga fulinta iyo Gollaha Dhexe ee Xisbiga EPRDF ee gacanta ku haya talada wadanka itoobiya iyadoo la ogsoonyahay in taariikhda markii ugu horaysay uu madaxwaynahani yahay kii ugu horeeyay ee ka qaybgala shirkan oo hada kahorna lala socday inuu kaqaybgalay taasina ay inatusayso isbadalka dhabta ah ee ka hanaqaaday deegaanka hadii ay tahay dhanka horumarka iyo hadii ay tahay dhanka nabadgalyadaba.

Shirkan oo saaka bilaabmay islamarkaana ay ka qaybgaleen madaxwaynaha DDS iyo afhayeenka Baarlamaanka DDS ayaa waxaa hogaaminayay raysalwasaaraha Wadanka Itoobiya Mudane Males Zenawi.

Shirkan oo ubilaabnay si habsami leh ayaa waxaa looguda galay warbixintii sanadkii 2003 ee waxqabadka ururka EPRDF, warbixintaas oo ahayd mid aad udheerayd ayaa lagu sookoobay 37 bage oo aad loogasoo shaqeeyay si looga faa’iidaysto wakhtiga shirka islamarkaana kadib markii ladhagaystay warbixintii ayaa loogudbay in laga doodo
warbixintaas su’aalana la iska waydiiyo, Qaabka looga doodayay ama su’aalaha loosoo dhigayay ayaa ahayd in warbixintii 37 da bage ka koobnayd lookala qaaday sadex
qaybood oo kala ah bage ka 1 aad ilaa bage ka 9 aad in laga doodo, kadibna bageka 10 aad ilaa bage ka 23 aad laga doodo, ugudanbayntiina laga dooday bage ka 24 aad
ilaa bage ka 37 aad.

Haddaba doodaas lagaga doodayay warbixintii waxqabadka sanadkii 2003 ee ururka EPRDF oo ahayd mid si cilmiyaysan loogadoodayay ayaa waxaa la islaqaatay in waxqabadka sanadkii 2003 ee Qorshaha horumarinta wadanka itoobiya ee 5ta sano, in sanadkii 2003 qaybtii kaga aadanay kor loodhaafiyay waxqabad ahaan marka laga eego guud ahaan wadanka qorshihii uyaalay sanadkaas balse marka deegaanada la eego inay jiraan deegaano aana qorshihii sanadkaas uyaalay boqolkiiba boqol aana dhamaystirin iyadoo marka guud ahaan deegaanada oo dhan la eego ama wadan ahaan loo eego kor loodhaafiyay waxqabadkii sanadkaas loogu tallo galay in laqabto taasina ay tahay wax aad loogu farxo aadna loogu faano.

Sidoo kale mar uu Raysal wasaaruhu kahadlayay waxqabadka deegaanada ayaa wuxuu sheegay in Deegaanka soomaalidu uu kutalaabsaday isbadal aad u wanaagsan oo kuduyasho mudan isagoo cadeeyay in maanta uu deegaanka ka hanaqaaday horumar aad u balaadhan sidoo kale dhanka amnigana ku tilmaamay in xaalada nabadgalyo ee uu maanta deegaanku gaadhay ay tahay mid aan marna dib u noqosho lahayn marba marka kadanbaysana sii xoogaysanaysa.

Dhanka kale Raysalwasaaraha ayaa deegaanka aad ugu amaanay dadaalka ay xukuumada deegaanku ka gaysatay dhanka warbaahinta deegaanka (media) taasi oo uu kutilmaamay inay tahay mid run ahaantii kudayasho mudan waxwayna kabadashay deegaanka, Waxaa kale oo uu raysal wasaaruhu deegaanka ku amaanay Barnaamijkii Dib ucurashada ee deegaanka laga hirgaliyay oo uu kutilmaamay in uu yahay xalka kaliya ee uu deegaanku kaga gudbay Qabyaaladii iyo isjiidjiidadkii deegaanka soo daashaday islamarkaana barnaamijkaas ku tilmaamay inuu yahay mid horumar iyo isbadal dhab ah uhorseedidoona deegaanka iyadoo uusheegay in durba ay barnaamijkaas kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah aadna loogu bogay.

Iskusoo duuboo raysal wasaaraha ayaa shirka gudiga fulinta EPRDF kasheegay in deegaanku uu qabtay waxyaabo badan oo aad  muhiim u ahaa loona baahnaa in laqabto balse mudo badan aana laqaban haatana taariikhda markii ugu horaysay laqabtay qodobo badan oo aad loogu bogay kana midyihiin kuwaas aan kor kusoosheegnay iyo kuwo kaloo badan.

Shirkan oo saaka ajandaha u yaalay uu ahaa waxqabadkii 2003da islamarkaana si aad u balaadhan looga dooday la islana meeldhigay in qorshe ahaan wixii sanadkaas uyaalay
in laqabto kor loodhaafiyay ayaa waxaa galabta looguda gali doonaa qodobada ugu muhiimsan ee sanadka 2004 ta laqan doono ama qodobada ugu muhiimsan ee xooga lasaari doono.

Wixii kasoo baxa shirka galabta dib ayaan idiinkasoo tabin doonaa ..

Related articles