Hay’adda Alxikma oo isbitaal ka dhistay Godey‏

05 Oct 2011 by -

Godey (NogobNews) 06/10/2011 Hay’adda Alxikma ayaa isbitaal ka dhistay magaalada Godey, gobolka Godey, Ismaamulka Deegaanka Soomaalida, kaasoo ka kooban qeybo raga u gooni ah iyo qeybo dumarka u qaas ah.

Qeybaha uu guud ahaan ka kooban yahay isbitaalkan ayaa waxaa kamid ah: qeybta cudurada guud, sheybaadh (qeyb raga – qeybna dumarka), labo farmashi (qeyb raga – qeybna dumarka), qeybta dhalmada, qeybta gargaarka degdega ah, qeybta bukaan socodka, xafiisyo, jiko, musqulo, hoolal iyo bakhaar.

Isbitaalkan ayaa loogu talagalay inay ka faa’iideystaan qiyaasti tiro dad dhan 36,000, wuxuuna dhismihiisa socday muddo sanad iyo bil ah.

Furitaanka isbitaalka ayaa waxey noqon doonaa bishan October 30, 2011, waxaana xafladda furitaanka lagu casuumayaa masuuliyiin ka socota xukumadda deegaanka iyo qurbajoogta deegaanka ee ku sugan dalka gudihiisa.

Isbitaalka ayaa haatan diyaar u ah inuu shaqaaleysiiyo cid kasta oo aqoon iyo xirfad u leh bixinta adeega caafimaadka.

Boosaska shaqo ee ka bannaan isbitaalka

Dhaqaatiir ………… 4
Kalkaaliyayaal ………6
Farmashiile ……….. 2
Adeega guud …….. 2
Maamul …………… 2
Xoghaye ………….. 1
Waardiye …………. 2
Cunto kariye ……… 2

Cid kasta oo dooneysa inay codsato shaqooyinkan, waxey codsigeeda ku soo aadin kartaa cinwaanka: hay’adda Alxikma P. O. Box 231 Godey, Somali Regional State, Ethiopia. Ama Emailka: alxikma9@hotmail.com

Related articles