Hoggaanka N/galyada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo lakulmay Bulshada Bardoode

05 Oct 2011 by -

Bardoode (NogobNews) 02/10/2011 Wafti uu hogaaminayay Hoggaanka N/galyada iyo Maamulka Caddaaladda ee DDS Mudane C/hi Yuusuf Weerar ayaa maanta waxay booqdeen Tuulada Bardoode iyo tuulooyinka ku dhow-dhow Booqashada waftigan ayaan waxay qeybka tahay qorshaha Xukuumadda uu Hoggaaminayo Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  oo ah in Bulshada ku dhaqan Deegaanka loo kuur galo noloshadooda isla markaana dabagal lagu sameeyo sida uu uga hirgalay mashaariicda horumarinta iyo baahida guud ee dadweynaha qorshahaas oo dadweynuhu ku diirsadey wax wayna ka baddashey horumarka iyo abniga DDS iyadoo uu Madaxweynuhu isagoo dhulka maraya kormeer guud ku soo sameeyay inta badan Gobollada Deegaanka khaasatan meelaha ka fog magaalooyinka waaweyn ee miyiga ah.

 

 

 

 

 

Waftigan ayaa waxay la kulmeen waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Bardoode sidoo kale wuxuu Hoggaanku shirar la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada isagoo ka dhagaystey codsiyada iyo baahiyaha halkaa ka jira una ballan qaadey in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qaban doono Dadwaynaha ku dhaqan deegaanka Bardoode ayaa waxay aad u soo dhaweeyeen booqashada Hoggaanka waxaana ka muuqatey farxad iyo niyad wanaag waxayna  dhinacooda ballanqaadeen inay garabtaagan yihiin DDS
iyo xisbiga Dimoqraadiga shacabka soomaalida Itoobiya kuna faraxsan yihiin sida ay uga damqanayso Dowladdu shacabkeeda Waftigan uu hoggaaminayay Hoggaanka N/galyada iyo Maamulka Caddaaladda ee DDS waxaa ku wehelinayay lataliyaha Hoggaanka N/galyada mudane C/nuur Maxamed Sooyaan oo hadallo ka jeediyay kulankii lagu qabtey Haradiin

 

Related articles