Lataliyaha Dhanka Amniga M/weynaha Mudane Cabdi Bade ka waribixiyay gobolka fiiq iyo dh/buur

05 Oct 2011 by -

JIGJIGA (NogobNews) 02/10/2011 Lataliyaha Dhanka Amniga ee madaxwaynaha Mudane Cabdi Bade oo lakulmay wariyaha cakaaranews ee magaalada jigjiga ayaa kawarbixiyay socdaaladii uu dhawaan madaxwaynuhu kusoo kala bixiyay degmooyin kamida gobolka fiiq iyo gobolka dhagaxbuur wuxuuna lataliyuhu sheegay in ay socdaaladaasi ahaayeen kuwo aad iyo aad muhiim u ahaa islamarkaana ay shacabka degmooyinkaasi aad iyo aad ugu bogeen aadna ugu diirsadeen maadaama uu madaxwaynaha deegaanku noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee booqda degmooyinkaas iyo guud ahaan degmooyinka deegaanka.

Mudane Cabdi Bade ayaa sidoo kale sheegay in degmo walba oo ay gaadhayeen iyo tuulo walba oo ay gaadhaanba ay shacabka kudhaqani yar iyo ciroolaba usoobanaanbaxayeen soodhawaynta madaxwaynaha iyagoo watay caleemo qoyan kuna dhawaaqayay erayo badan oo soo dhawayn isugu jira, wuxuuna sheegay lataliyuhu in shacabkii soodhawaynta madaxwaynaha usoo baxayay ay ahaayeen shacab aad ufarabadan islamarkaana uu aad ulayaabay baaxada shacabkii usoo baxayay soodhawaynta madaxwaynaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxwaynuhu meel walba oo ay marayaan oo ay ku arkaan dad shacaba oo lugaynaya ama xoolo lajooga ama deganba inuu madaxwaynuhu ku hakanayay si uu xaaladooda uga warysto una siiyo gargaar isugu jira daawooyinka dadka iyo kuwa xoolaha balse buu yidhi waxaa shacabka waxwalba uga waynaa fadhigii uu madaxwaynuhu lafadhiisanayay geedaha hoostooda halkaasna kula sheekaysanayay isagoo si aad u qotodheer uga waraysanayay xaaladooda nololeed iyo baahiyaha ay qabaan si uu fikir cad uga soo qaato xaalada nololeed ee shacabka uu madaxwaynaha ka yahay islamarkaana gargaar degdeg ah ulagaadho isagoo kaduulaya baahida ay qabaan.

Sidoo kale wuxuu lataliyuhu sheegay in degmo walba oo ay tagaan ay shacabka degmada lakulmayeen shirar aad u balaadhana la qaadanayeen iyagoo marwalba uu madaxwaynuhu shacabka degmada ee shirka kusugan siinayay wakhti ay ku hadlaan si ay usoojeediyaan waxyaabaha ay xukuumada ugabaahanyihiin ama ay madaxwaynaha ka codsanayaan.

Dhanka kale Mudane Cabdi Bade ayaa cadeeyay aadna ugu dheeraaday in xaalada nabadgalyo ee maanta deegaanka kajirtaa ay tahay mid gaadhay meel aysan waligeed dib uganoqon karin wuxuuna sheegay in maanta uu deegaanku leeyahay cudud ciidan oo aad uxoogan si casri ahna u tababaran sidoo kalana uu maanta deegaanku leeyahay Waax sirdoon oo leh shaqaale iyo sirdoon kufilan islamarkaana ay shacabka deegaanku aad ugu bogeen aadna ugu diirsadeen, run ahaantiina Deegaanka u horseeday nabadgalyo xasiloon oo laguwada nastay.

Sidoo kale mar uu Mudane Cabdi Bade kahadlayay dhanka kaalinta shacabka looga baahanyahay ayaa wuxuu sheegay inay lagama maarnmaan tahay islamarkaana qofwalba oo muwaadin ah ama dhiig muwaadininimo kujirto looga baahan yahay in gacmaha la isu qabsado lana sii xoojiyo taageerada loohayo ciidamada liyuu booliska deegaanka oo run ahaantii wakhtixaadikran kujira halgan ay kusoo afjarayaan hadhaaga yar ee kasii nool Ururka Budhcada Argagixisada ah ee UBO

Related articles