JAALIYADA DEEGAANKA SOMAALIDA ETIYOOBIYA EE DANMARK OO SOO DHAWAYN RAYSAL WASAARE MELES ZENAWI

16 Oct 2011 by -

Copenjagen (NogobNews) 16/10/2011 Talaado 11/10/11 Copenhagen: Waxaa Caasimada Danmark ee Copenhagen ka dhacay reception ama soo dhawayn ay u sameyeyn Jaaliyada Somaalida Etiyoobiya ee Danmark waftiidii balaadhnayd ee u hogaaminya Raisal wasaare Mudane Meles Zenawi oo boqosho ku joogay Cariga skandenivian gaar ahan Denmark iyo Norway : Soo dhawayntan oo ayna u kala hadhin dhamaan Qaybaha  kala duwan ee jaaliyadu ka kooban tahay, Rag, dumar, Dhalinyaro iyo Odayaalba ayaa waxay ka dhacday Hotelka caan ka ah ee RADISON BLUE HOTEL.Soo dhawayntan oo si aad u sareysa loo soo agaasimay ayaa waxaa ku wehliyey jaaliyada Dawlad Deegaanka , jaaliyadaha ka soo jeeda Qoomiyadaha kale duwan ee Etiyoobiya .

Waftiga oo aad ugu farxsanaa sida heerka wanaagsan ee wadaninimadu ku dheehantahay ee jaaliyadu uga soo Qaybgaleen una soo abaabuleen shirka,ayaa hadalo halkaa ka jeediyey ay ugu mahadnaqayeen jaaliyada Somalida Etiyoobiya. 

Dhinaca Jaaliyada Somalida etiyoobiya ayaa iyadana waxay mahadnaq aad u balaadhan usoo jeediyeen waftiigii Raysal wasaaraha; gaar ahaan sida xiligooda ay u siyeen in ay la kulmaan Jaaliyada iyo xidhiidhka wanaagsan ee jaaliyadu la leedahay Heer Deegaan iyo heer Federaal .

sharka oo Jawi wanaagsan ku soo gabagaboobay ayaa waxay Jaaliyadu halkaas ku guudoonsiisay Hadyad Raisal wasaare Meles Zenawi iyo Wakiilka Wasarada arimaha dibada uqaabilsan arimaha Qurbajoogta Marwo Mabrat Bayane.

Related articles