Markii 1aad ee Si weyn looga Xuso DDS Xuska Maalinta Faraxalka Adduunka

17 Oct 2011 by -

Jigjiga (NogobNews) 17/10/2011 Waxaa  si weyn looga xusay Magaalooyinka jigjiga,Godey iyo Qabridahar xuska maalinta faraxalka adduunka oo ah markii ugu horaysay ee si weyn looga xuso DDSI,xuska maalinta faraxalka adduunka ee Maanta ka dhacay DDSI,ayaa ay si weyn u soo agaasintay hay’ada (Action Youth aware org) oo ah Hay’ad aan Dawli Ahayn oo Wadani ah, ayaa ay iska kaashadeen qabashada Xuskan hay’ada UNICEF iyo Xafiiska Caafimaadka DDSI. Sidoo Kale Magaalada Jigjiga ayaa Si aad u balaadhan L ooga xusay maalinta faraxalka adduunka iyadoo dhamaan 10ka xaafadood ee Jigjiga iyo Dugsiyada ay ka mid ahaayeen Dugsiga H/dhexe Axmed-guray,Dugsiga H/dhexe Wiil-waal iyo Dugsiga H/dhexe ee Xuseen Giire. Dhamaan Dugsiyada ayaa si aad u balaadhan Xuska Faraxalka Adduunka ugu diyaargaroobay,halkaasoo ay Dhamaan ardayda,iyo Macalimiintuba ku sugnaayeen Dugsiyada,waxaa xusid mudan in Maanta uu ka qaybqaadanayay xuska Faraxalka Adduunka Magaalada Jigjiga Wariyaha Caanka ah ee Axmed Xasan Cawke. Sidoo kale waxaa iyana ku Sugnaa Goobaha lagu Qabtay Munaasabadan Mayorka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Daahir Qaasim(Cabdi-Dheere),Wakiilka UNICEF iyo Madaxa Hay’ada Action Youth Aware Organi9sation Mudane Mohamed Xaaji Muxumed Gaas(African)iyo ku-xigeenkiisa Mudane Muluqen zakarias. Mudane Axmed Xasan Cawke ayaa hadal uu ka jeediyay mar uu ku sugnaa Dugsiga Wiil-waal ku tilmaamay in wax aad loogu farxo ay tahay baaxada ardayda dhigata dugsiyada,tirada ardayda Wiil-waal Dhigata oo tiradoodu Dhan tahay 6000 ay Dareenkayga soo jiiteen ayuu yidhi Cawke,kuna booriyay in aynan Ardayda DDSI ka xagal-daacin Dhigashada Waxbarashada. Dhanka kale Ardayda Dhigata Dugsiga Wiil-waal Kooxdiisa Fanka ayaa Soo Bandhigay Bandhig Faneed aad ay ugu Riyaaqeen Martidii Soo Abaabushay Xuska Maalinta Faraxalka Adduun ka halkaasoo ay Soo bandhigeen Heeso Nuxurkoodu ahaa Tilmaanha Diimeed ee Nadaafada oo ay Diinteenu ku tilmaantay in nadaafadu tahay qayb ka mida Iimaanka. Ereyada ay ku luqaynaynayeen kooxda fanka ee ardayda dugsiga h/dhexe ee wiil-waal ayaa ay ka mid ahaayeen Fariin ay u Dirayeen Shacabka iyo Caruurta DDSI oo u tilmaamaya Ahmiyada ay Nadaafadu leedahay Caafimaadka qofka kuna luqaynayeen ereyada ay ka mid yihiin”Inta aad Fayowdahay Cudur aanu kugu fidin Ayaa laga Fogaadaa,Faraxalo una faraxal ubadkaaga”. Ka Dib ayaa laga Gudagalay munaasabadii faraxalka,halkaasoo Madaxdii hay’ada YOA,Unicef,Mayorka Magaalada Jigjiga iyo Wariye Axmed Xasan Cawke ay Bilaabeen Faraxalashada,islamarkaana qaar ka mida ardayda halkaa ugu faro-xaleen. Ugu danbayntii ayaa ay ardayda dugsiyada iyo hay;aduhu wada galeen axdi in wixii hada ka danbeeya lagu dadaali doono faraxalka iyo nadaafadaba

Related articles