Jaaliyaadka Deegaanka Baalli oo soo dhaweeyey ciidamada la geeyey Sallaxaad iyo Laga-hidda

18 Oct 2011 by -

Fiiq (NogobNews) 18/10/2011 Gudiga Iskuxidhka Jaaliyaadka Qurbajoogta dagaanka baali ee GobolkaFiiq, wuxuu bogaadinaya aadna usoo dhawaynayaa ciidamada la geeyay dagmooyinka sallaxaad iyo laghidda si ay u sugaan nabadda, annaga oo ku hadlayna afka daka daga dagaan kaas kor ku xusan waxaan ammaan balaadhan halkan u marinayaa Maamulka Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hormuudka u yahay Madaxweynaha Deegaanka Mudane: Cabdi Maxamuud Cumar.Wuxuu gudigu uga mahadcelinayaa Madaxweynaha sharafta leh go’aanka dhaxal galka ah ee ay dawladiisu dhawaan qaadatay, gu’aankaas oo ku aadan adkaynta nabadgelyada gobolka Fiiq, gaar ahaan degaanada Sallaxaad iyo Lagahida.
runtii dadwaynaha dagaannadaas daga waxay ciidamadan dalbanayeen muudo dheer laakin waxaa layidhaahdaa( haleelo markay timaadba caana macaan.}

Ka sokow colaadaha sokeeye ee ay deegaanadani soomareen 10kii sanee ugu danbeeyey, waxaa indhawaale dagaal hubaysan ku hayay shacabka ku nool degaanadan ururka nabad-diidka ah ee ONLF. Waxgaradka degaanku wuxuu dadaal dheer ugu galay sidii xal waara loogu heli lahaa colaadaha, maamulxumada iyo horumar la’aanta ladegay degaanadan. Sidaa darteed, waxaanu si kal iyo lab ah usoo dhawaynaynaa, talaabadan taariikhiga ah, waxaana rajaynaynaa inay noqoto mid u horseeda degaanadan horumar, nabadgelyo, iyo kala danbayn.
waxay leeyihiin shacabku waxaan dareennay amni iyo in aan ku noolnahay meel dowlo kajirto mar kii ay yimaadeen ciidankan
kooxdii nabad diidkana runtii meelbaa laiska mariyay qayb mihiim ah oo ka soo jeeday dagaannadan waaba ay isaga soo baxeen oo guryahoodii bay yimaadeen intii kalena waa ay kabaxeen dagaannadaas

Sidaas darteed, waxaanu halkan hambalyo uga iyagana dhamaan dadweynaha ku dhaqan labadan degmo iyo madaxdooda, annaga oo ugu hambalyeynayna nabadda ka curatay dagaan kaas iyo guusha u soo hoyatay. Waxaanu masuuliyiinta iyo waxgaradka degaanka kula dardaarmaynaa {wa inaad sii xoojisaan dedaalka aad ugujirtaan adkaynta nabadda iyo horumarinta degaanka. Waxaa midhadhalay dadaalkiinii ee sii adkeeya.

Ugu dambeyntii, waxaan mar labaad uga mahadcelineynaa Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar iyo xukuumadiisa dadaalka ay ugu jirto adkaynta nabadgelyada goblka Fiiq iyo guud ahaan nabadgelyada Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaanu degaanka urajaynaynaa nabadgelyo, horumar iyo guul.

Gudiga Iskuxidhka Jaaliyaadka Qurbajoogta Gobolka Fiiq.

1. Iskuxidhka Jaaliyaadka Qurbajoogta Gobolka Fiiq.

1. Ugaas Cumar Cabdiraxmaan
2.Garaad Ibrahin Abdi hassan
3.In Cali abshir Ibrahin
4.Pr Nur Mohamed Abdi Dool
5.Ali Ibrahin Yusuf
6.Mohamud Abdi husein
7′Caaqil Share Bunaw
8. Dr Amina Omar Abdirahman

9.Adan Sayid Admed Ismaciil

10.C/wahab Hajir Surow

11.Farah Qasin

12.Mohamed Abdi farah

13.Saytuun Nuur Shuriye

14.Khadija Hassan Hayle

15.Afrikaan Mohamed Farah

16.C.wali Sh Farah

17.Sh Hasan Sh Ibrahin

18.Ahmed hasan Camba Mambe

19.Ibrahin Abdi Ali

20.C/karin Maxamed Cali

iyo kuwo kaloo fara Badan

Related articles