Kala fadhigii labaad ee Jaaliyadda DDS ee dalka Norway oo qabsoomey iyo guddi loo sameeyey

19 Oct 2011 by -

Oslo (NogobNews) 19/10/2011 Waxaa taariikhdu markay ahayd 15.10.2011 ka dhacay magaalada Oslo kalfadhigii 2aad ee jaaliyada Is-maamulka Deegaanka Somalida Ethiopia.

Shirkan oo qaban qaabadiisu mudo socotay isuguna yimaadeen xubnaha jaaliyadu, ayaa waxaa lagaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yahiin kuwa hoos ku xusan:

Qiimayn lagu sameeyay wax-qabadkii jaaliyada mudadii sannadka ahayd ee ay jirtay.

Qorshaynta habka iyo waxa ay qaban doonto jaaliyadu sanadkan bilaabanaya.Wax ka badal lagu sameeyay hab-dhismeedka gudiga fulinta jaaliyada.

Furitaankii kulanka oo lagu bilaabay aayado quraan ah kadib waxaa la guda galay dood ku saabsan sadexda qodob ee kor ku xusan. Gudoomiyaha jaaliyada DSI Mudane C\risaaq Khaliif (Guhaad) oo waxbixin muhiim ah madasha ka jeediyay ayaa ku dheeraaday habkii ay u dhacday soo dhawayntii ra’isal-wasaaraha dalka Ethiopia oo dhawaan booqasho ku yimid boqortooyada Norway, isla markaana talaabo ku dayasho mudan ku tilamaamay habka casriga ah ee xubnaha jaaliyadu isku abaabuleen. Gudoomiyaha ayaa ku amaanay jaaliyada codsiga ay Ra’isal wasaaraha u gudbisay, kaasi oo ku saabsanaa fur-furida ganacsiga iyo u sahlida qurba-joogta deegaanka u dhalatay waxyaabaha la xidhiidha ganacsiga iyo maalgashiga dhulkoodii hooyo.

Waxaa sidoo kale warbixin ka soo jeediyay kulanka Mudane Yuusuf oo jaaliyada Norway u matalayay soo dhawayntii Ra’iisal wasaaraha ee Denmark.

Dhanka kale Gudoomiyaa ururka dhalinyarada Xiis ayaa isaguna dhinaciisa warbixin dheer oo ku saabsan wax qabadkii ururka dhalinyarada ee sannadkii la soo dhaafay ka soo jeediyay madasha.

Hadaba wada tashi iyo falanqayn dheer kadib waxaa dib u habayn lagu sameeyay qaab dhismeedka maamulka jaaliyada oo wax laga bedelay iyada oo laga dab qaatay halkii sano ee khibrada ahayd, waxaana loo magacaabay xubnaha iyo shaqada ay qaban doonaan sidan hoos ku qoran:

Cabdirisaaq Khalif Guhaad (Guddoomiye)

Deeq Cabdi Yare (Gudoomiye ku xigeen)

Yuusuf Ismaaciil Adam (Secretary)

Cabdirashiid Cali Shucaac ( Afhayeen ahna xidhiidhka guud)

Cabdinuur Xusseen Cilmi (Isdhariijiye) ( Arimaha bulshada, abaabulka iyo wacyi galinta)

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada ayaa mar labaad loo magacaabay Mudane Xiis oo la isla gartay in isaga iyo maamulkiisuba howl muhiim ah qabteen.

Waxaa xusid mudan in xubin ka mid ahaa gudigii hore lagu soo eedeeyay in uu ku kacay falal lid ku ah ujeedooyinkii loo abuuray jaaliyada.

Hawl-wadeennada ayaa shaqadooda guda galay isla maalintii xilka loo igmadayba.

Cabdirashiid Cali Shucaac

DDSNorway@gmail.com
Afhayeenka iyo xidhiidhka guud ee jaaliyada

Related articles