Mudane Cabdi Maxamuud cumar Abaal Marino Heer qaran ah ayaa la Gudoonsiiyay

10 Dec 2011 by -

Maqale (NogobNews) 09/12/2011 Ummadda itoobiya waxay ku wada nooshahay Dastuur iyo is afgarad dhexdooda ah,mana ah tii qasabka ku wada joogtay,Sidaa waxaa yidhi Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya, Meles Zenawi.

Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Wuxuu kala kulamay Magaalada Maqale farxad aan la qiyaasi karin Baaxadeeda.

Waxuu hantay laba abaal marinood oo Ra,isul wasaaruhu Gudoonsiiyay,isaga oo Ammaan aa u weyn u soo jeediyay DDS ee uu Hogaaminayo Cabdi Maxamuud Cumar.

Xusaka oo ay dhammaan madaxweynayaasha Deegaanadu ka soo qayb galeen ayaa waxaan marna la ilaawi doonin sida Dawlada Deegaanka soomaalidu uga soo mudh tidhi Deegaanadii kale.

Dad aad u tiro badan ayaa maanta kuwada dabaaldegay Caasimada deegaanka Tigray oo xuska maalinta Qawmiyadaha lagu qabtay.

Madaxdii halkaa isugu timid ayaa hoosta ka wada xariiqay in laga gudbay xillilgii hal luqad iyo hal qawmiyad ay inta kale dusha ka saarnaydWasiirka Madxtooyada isla markaana ah Ku simaha Madaxweynaha DDS Mudane Cabdifataax Maxamuud Xasan oo hadal qiimo leh ka soo jeediyay xuska Maalinta qawmiyadaha

Related articles