Mudane Maxamed Guure oo Ku Qabtay Xafiiskiis?a Shir Jaraa’id

10 Dec 2011 by -

Jigjiga (NogobNnews) 09/11/2011 Shir jaraa’id oo uu Maanta Qabtay Wasiirudawlaha DDSI MUdane Maxamed Guure

ayaa ay Ka soo qayb galeen dhamaanba Qaybaha saxaafadda DDSI,taasoo uu uga Gol lahaa in uu Muujiyo Ahmiyada Balaadhan ee Maalinta Xuska Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka itoobiya ku Fadhido oo ku Beegan Maalinta Berito ah oo ay taariikhda Itoobiya tahay Hidar 29.
Mudane Maxamed Guure ayaa Ugu Horayn ugu Hambalyeeyay Dhamaanba Qowmiyadaha Dalka Itoobiya ee la Cadaadin jiray Xuska Maalintan oo Soo Noolaysay Jiritaankii,Luqadii,Dhaqankii Iyo Xuquuqihii Qawmiyadeedba,Taasoo ka dhalatay ayuu yidhi Midhihii Halgankii Dimoqraadiyadeed ee EPRDF.
Sidoo kale Mudane Maxamed Guure oo Sii Wata Hadalkiisii ayaa Yidhi Xuskan oo ah kii 6aad ayaa Sanadkan loogu talo galay in Wadar ahaan DFI ugu Wada xusaan Magaalada Maqale ee Deegaanka Tigray,Iyadoona Dhamaan Deegaanada DFI si la mida looga Xusayo.Maalintan ayaa ah Ayuu yidhi Maalintii La Ansaxiyay Dastuurka Dalka Itoobiya ee Qeexaya Xuquuqaha

 

 aasaasiga ah,Xaqa korinta Dhaqanka,Luqada,Ismaamul,Sinaanta,Cadaalada iyo Dimoqraadiyad Walaalnimo ku wada Noolaanshaha Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka.
Mar uu ka Hadlayay Dhanka DDSI Cida uga Qayb Gali Doonta Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka itoobiya ee Maalinta beri ah lagu qaban doono Magaalada Maqale ayuuv yidhi”waxaa DDSI ka Ambabaxay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,3da Madaxweyne ku xigeen,Odoyaal Dhaqameedka,culumaa’udiinka DDSI,Aqoonyahan,Haweenka,Dhalinyarada iyo Kooxaha Fanka ee DDSI.

 
Mudane Maxamed Guure ayaa Hadalkiisii ku daray in Xuska Qowmiyad walbaa ay ku soo bandhigi doonto Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqankeeda,agabka dhaqankooda mana jirin ayuu yidhi xiligii talisyadii cadaadiska ku dhisnaa dalka haysteen.
Dhanka Kale Mudane Maxamed Guure Ayaa Tilmaamay Xuskani inuu kaga duwan yahay Xusaskii Hore Dibucurashada Itoobiya iyo Biyo-xidheenka Abbay,Waana Maalin Khaas u Ah DDSI oo uu Ka dhaqan Galay Horumar iyo Nabadgalyo Taam ah,Xaga Qurbajoiogtana Xidhiidh fiican lala Sameeyay.
Ugu Danbayntii ayaa uu Fariin u Diray Dhamaan Shacabka DDSI ah in Maalintan Qadarinta Mudan Si wayn uga Qayb qaataan Laguna Muujiyo Dhaqanka Soo jireenka ah ee DDS

Related articles