Ogaysiis Saxaafada Caalamka iyo Tan wadankaba Sharci ayaa Uyaala

10 Dec 2011 by -

Jigjiga (NogobNews) 10/12/2011 Qofwalba oo wax bartay ama aqli leh sida uu ogsoonyahay ama dareemi karo saxaafada caalamka sharci ayaa uyaala sidoo kalana saxaafada wadanka sharci ayaa uyaala,

Shacabwaynuhuna ama dadka saxaafada ku xidhanina waxay ubaahan yihiin Tabiyaha wararka dhabta ah iyo warar sugan, Dawlada fadaraalka iyo Dawlada deegaankuna waa iskumid waana isku mawqaf hadii ay noqoto dhanka horumarinta shacabka iyo haddii ay noqoto dhanka saxaafadaba.

Haddaba waxaa cid walba oo ay khusayso lala socodsiinayaa in aana loodulqaadan doonin saxaafad aana sharci ahayn meel loogu soo hagaagana aana lahayn, islamarkaana aana lahayn wariye sharciya iyo meel wararka ay kasoo xigtaan ama aana lahayn warar meel looraaco aysan jirin oo kutirikuteena.

Sidoo kale looma dulqaadan doono saxaafad kusheeg uu shakhsi leeyahay xafiis iyo nidaam sharcina aana lahayn islamarkaana aana waafaqsanayn xeerka saxaafadaha ee
caalamka iyo kan wadanka toona, saxaafadaha noocaas oo kale ahna waxba kagama duwana kootarabaanka sida sharcidarada ah wadanka kusoo gala maadaama aysan waafaqsanayn sharciga uyaala saxaafada caalamka iyo kan wadanka toona.

Dhanka kale cid walba oo ay khusayso waxaa lala socodsiinayaa inaana loodulqaadan doonin saxaafad kusheeg uu shakhsi dano gaara wata leeyahay loona adeegsado iskuday la iskudayayo in lagaga horyimaado horumarka iyo nabadgalyada deegaanka ka hanaqaaday iyadoo la iskudayayo in shacabka deegaanka dhexdiisa laga abuuro qalalaaso iyo iskudhacyo aan sal iyo raad toona lahayn dadka noocaas ahna waxaan lasocodsiinaynaa in uu wadanku dawlad iyo nidaam sharci ah leeyahay dawladana ay masuuliyadi kasaarantahay ilaalinta iyo sugida amniga, wanaaga, daris jacaylka iyo ixtiraamka walaaltinimo ee kadhexeeya shacabka deegaanka iyo beelaha walaalaha ah ee wada dega.

Haddaba ugu danbayntii waxaa cid kasta oo ay khusayso lala socodsiinayaa in aana loodulqaadan doonin arimahaas iyo wixii lahalmaala ee kasoo horjeeda saxaafada
caalamka iyo tan wadankanka sidookalana aana loo dulqaadan doonin shakhsiyaad dafiraya horumarka uu guud ahaan wadanka itoobiya ku talaabsaday gaar ahaana deegaanka soomaalida horumarka iyo nabadgalyada ka jirta.

Related articles