Golaha Capinetka DDSI oo Yeeshay Galabta Kalfadhigiisii 27aad iyo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyay Golaha Capinetka DDSI

04 Apr 2012 by -

Jigjiga (NogobNews) 03/04/2012 Golaha Capinetka DDSI ayaa yeeshay Galabta Kalfadhigiisii 27aad,islamarkaana Isku shaandhayn ku Sameeyay Golihii Capinetka,iyadoo laga Duulayay Go’aanadii Xisbigu Qaatay. Kalfadhigan 27aad ee Golaha Capinetka dawlada ayaa isbedel iyo isku shaandhayn ku sameeyay Masuuliyiintii Golaha Xafiisyada Capinetka DDSI,islamarkaana magacaabay masuuliyiin cusub iyo qaar ka mida masuuliyiintii hore. Shirkan oo uu Hogaaminayay Madaxweynaha DDSi Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa ay Masuuliyiinta Golaha Capinetka ee la Magacaabay  ayaa ay ka Mid yihiin 1- Mudane c/fataax maxamuud xasan Madaxweyne Ku

xigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska Caafimaadka DDSI 2-Mudane C/laahi Yuusuf Weerar Madaxweyne Ku xigeenka DDSI ahna Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSi 3- Mudane C/xakiin  Cigaal Cumar Madaxweyne Ku Xigeen Ahna wasiirka Dakhliga DDSI 4-Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed wasiirka Xafiiska Hawlaha guud iyo

horumarinta Magaalooyinka DDSI 5- Mudane Maxamed Cumar Madaxa Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta DDSI 6- Mudane Maxamed Faatax Madaxa TVET 7- Mudane Xasan C/laahi Riyaale Madaxa Xafiiska Waxbarashada DDSI 8- Mudane Maxamed Bile(Miig)Komishinka Sportiga DDSI 9- Mudane C/casiis Maxamed cabdi Madaxa Xafiiska

Madaxtooyada DDSI 10-Mudane maxamed Ibraahin Ku sii simaha Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI. Dhanka Kale Mudane Xabiib Muxumed yuusuf oo ahaa Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDSI ayaa u ambabixi doona Cariga Maraykanka oo uu Noqon doono Qunsulka u Fadhiya Itoobiya,Sidoo kale Rashiid Cabdi Guuleed oo Isaguna ahaa Madaxa Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa ay Dawladu ka shubtay Lacagta waxbarashada PHD oo uu Dalka Dibadiisa ku soo qaadan Doono xiliga uu soo Dhamaysto waxbarashadiisana Boos ku haboon lagu Qori Doono

Related articles