Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmooyinka hor leh oo ku yaalla Gobolka Bay

07 Apr 2012 by -

Bay (NogobNews) 07/04/2012 Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ayaa saddex degmo oo gobolkaas ka tirsan kala wareegay 24-kii saac ee lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab.

Degmooyinka ay ciidamadan la wareegeen ayaa waxay kala yihiin: Qansax-dheere, Buurhabaka iyo Ufuroow, waxaana laba degmo oo ka mid ah ay qabsadeen iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah, halka degmada kalena ay dagaal ku qabsadeen.

“Ciidamada dowladdu waxay la wareegeen 24-kii saac ee ug dambeeyay saddex degmo oo kooxaha cadowga ah ay kaga sugnaayeen gobolka,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Bay ee dowladda KMG ah.

Degmada Qansax-dheere oo 90-km u jirta degmada Baydhabo ayay ciidamada is-garabsanaya kala kulmeen dagaal, waxaana dagaalkaas oo khasaaraha uu dhaliyay aan la ogeyn kaddib u suurogashay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya inay si buuxda ula wareegeen degmada Qansax-dheere shalay oo Jimco ahayd.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qansax-dheere ayaa u sheegay HOL in dagaalka uu ahaa mid culus, ayna hadda ku sugan yihiin gudaha degmadaas ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin degmooyinka gacantooda laga bixiyay iyadoo saddexdan degmo ay ka dhigayaan degmooyinka gobolka Bay ku yaalla ee laga qabsaday Al-shabaab shan degmo.

Degmada Diinsoor oo ku hartay gacanta Al-shabaab ayaa waxaa la sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku wajahan yihiin saakay oo Sabti ah. Haddii ay qabsadaanna gobolka Bay wuxuu noqonayaa gobolkii ugu horreeyay oo ay dowladdu si buuxda uga qabsato Al-shabaab marka laga reebo Muqdisho.

Related articles