Roobab saameeyey xerada qaxootiga ee khasaaro ugeystay teendhooyinkii Doolo Addo

28 Apr 2012 by -

Doolo Addo (NogobNews) 28/04/2012 Warbixin ay daabacday Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa lagu sheegay in roobab xoogan oo ku dhuftay xerada qaxootiga ee Doolo Ado ay sababeen daadad khasaaro ugeystay teendhooyinkii iyo jidadkii galayay xeryaha ee dadka gargaarka lagu gaadhsiin jiray.

Warbixintu waxay sheegtay in daadadkani ay burburiyeen 700 oo teendho oo hooy u ahaa qaxootiga soomaaliyeed ee xerada kujira.

Afhayeen u hadlay Hay’ada UNHCR ayaa sheegay in xerada Doolo Ado ay isbuuc kasta soo gaadhaan  450  qaxooti cusub oo soomaali ah.Wuxuuna sidoo kale sheegay in inkabadan 8500 oo qaxooti ah ay sanadkan diwaan galiyeen taasoo tirada guud ee qaxootiga kusugan shanta xero ee Doolo Ado ka dhigaysa 150,000.

Qaxootiga kusugan Doolo Ado ayaa intooda badan ah shacabkii soomaaliyeed ee kasoo cararay abaartii xumayd ee galaafatay nolosha dad iyo duunyaba ee sanadkii  lasoo dhaafay ka dhacday koonfurta Somalia.

xigasho dhanaan.com

Related articles