NogobNews oo leh Hambalyo Dhamaan Reer Nogob Manta oo la Ansixiyau Magacii Nogob in loogu Dhawaaqo Gobalka Nogob & National Day

19 Jul 2012 by -

Jigjiga (NogobNews) 19/07/2012 Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horreysay yeeshay Maalin Qaran (National Day), taasoo maanta oo Khamiis ah uu baarlamaanka deegaanka si buuxda u ansaxiyey.

Kalfadhigii 5-aad ee baarlamaanka deegaanka Soomaalida oo lagu qabtay hall-ka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan ayaa lagu ansaxiyey in bisha January 24 ay tahay maalin u gaar ah deegaanka Soomaalida.

January 24 1993 ayey aheyd maalinti uu deegaanka Soomaalida helay sharaftii iyo xuquuqdii uu ku lahaa dalka Itoobiya, waanna maalinti ay shacabka deegaanka yeesheen dowladdii ugu horreysay ee ay iyagu leeyihiin.

Madaxweynihi ugu horreyey ee uu deegaanka yeesho, Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Maxamed Sacdi, ayaa la dhaariyey January 24 1993, waxeyna maalintaas aheyd maalin uu waa’ cusub u baryey shacabka deegaanka Soomaalida Itoobiya.

January 24 ayaa noqon doonta maalin fasax ah oo sanad kasta laga xuso guud ahaan deegaanka Soomaalida, islamarkaana ay jaaliyaadka deegaanka ee aduunka dacalladiisa qabtaan xaflado ay ku maamuusayaan maalintan weyn.

Baarlamaanka deegaanka ayaa isla maantaba magacaabay guddi ka soo shaqeeya dabaaldegga January 24, taasoo muujineysa miisaanka ay leedahay maalintaas.

Deegaanka Soomaalida ayaa haatan leh ciidan u gaar ah, calan u gaar ah iyo maalin u gaar ah, taasoo caddeyneysa in deegaanka uu ka dhisan yahay dhan kasta.

Dhanka kale, baarlamaanka deegaanka ayaa isla maanta ansaxiyey in magacyada laga badallo lix gobol oo katirsan gobollada deegaanka.

Gobolka Jigjiga ayaa loo bixiyey gobolka Faafan.
Gobolka Godey ayaa loo bixiyey gobolka Shabeele.
Gobolka Dhagaxbuur ayaa loo bixiyey gobolka Jarar.
Gobolka Shiniile ayaa loo bixiyey gobolka Siti.
Gobolka Wardheer ayaa loo bixiyey gobolka Doolo.
Gobolka Fiiq ayaa loo bixiyey gobolka Nogob.

Warbaahinta Caalamiga Ee Nogobnews oo Aad ugu Faraxsan Codsiga Ay ka codsatay in magaca Gobalka Fiiq loo soo celiyo Ay manta sibuuxda ay u ansixiyeen Ayaa warbaahinta Xaqa u dirirka ah Ee xalaasha ah uga mahad celineysaa Dhamaan xubnaha DDS

Waxaanu Horey U balan Qaadnay in Dadaadkii wacyo galinta aanu Wadad U Xaqa ah Aan Shacabka ku boorin Doono waxaanu marlabaad u mahad celinayaa Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar iyo Golaha Kabineedka DDS iyo dhamaan Madax Xafiisyada

Shabakada Caalamiga Ee Nogobnews.com
Xafiiska Warqabadka nogobnews@hotmail.co.uk

Related articles