Maqaalkii Kowaad (1) By Qoraa Mudane C/Salam Warsame Xasan

24 May 2013 by -

20130524-122141.jpg Maqaal (NogobNews) 24/05/2013 Dhaaxaan ku heesay oo ku geeraaray

cabdi maxamed cumar dhulka Allaha la gooyo iyo…!!!..Maanta ilbiriqsigii walbaba waxaan ku heesaa oo ku geeraaraa caadiloow eebboow cimrigiisa iyo caafimaadkiisaba raaji

20130524-122314.jpg Ohaay iyo ohay,faruuryo qaniin,ilmo aan joogsi laheyn,dhiddid shux iska leh,ganbadii madaxa oo ini dib u durugtay,garbasaartii oo beri hore dhacday,wiil yar oo afar jir ah oo dacalka diriceeda baatiga ah faro buuxa mugood ku dhegan oo marna dhacaya marna istaagaya isagoo cid u naxda la, marmarna dababa jiitamaya oohintu wabaa!! iska leedahay oo iskii intuu u xiiqay ilinta indhihiisa kasoo deganaysa carrabkiisa ku dhadhansanayaa..ddifka iyo balqankuba awood buu biday iyagaba,marna gacanta midig marna gacanta bidix bay siday ugu garaacaysay iyadoo golxo isku yeeleysa cod qiiro iyo naxdain leh ku hadaaqeeysay weyoo wey!!!…Alla hoogayoo ba,yeey!!!…Alla gurigay ba,yayeey!!!..huf iyo halaan jirin Alle idinka dhigyayeey!!!..

Fiiro gaar ah.
waa dhacdo dhab oo rag ubbo ahaa oo ciidamada liyuu booslisku dileen,mid ka mid ahaa afadiisii oo markii hore cadaawad u haysay,maanta garab taagan halyeeyadeeda liyuu booliiska ah,cabdi maxamed cumar waxay ka aaminsanayd shalay iyo maanta…

Waxaa qoray.
Cabdisalam warsame xasan.

Nagala Soo Xiriir Xafiiska email ka Warqabadka nogobnews@hotmail.co.uk

Related articles