Qul-Qulka Qurbajoogta iyo Neecawda macaan ee Dhulka Hooyo.

21 Mar 2014 by -

xeefJigjiga (estvlive)21/03/2014Tan iyo intii ay xukuumada DDSI Dajisatay siyaasada Fur-furan(firfircoon) iyo qorshayaasha horumarinta ee Dhanka xidhiidhka Qurbaha iyo deegaanka, waxaad maalin kasta arkaysaa qurba joogta u dhalatay deegaanka oo siwayn ugu soo qul qulaya xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, hadaad tagto garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal intentional airport waxay markaaba ishaadu ku dhacaysaa garoonka oo ay soo buux dhaafiyeen qurba joogta ka imanaysa daafaha aduunka , kuwaas oo siwayn ugu soo hiloobay Dhulkooda hooyo iyo ehelkoodii ay kala baadiyoobeen.

Haddaba mar uu saaka wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews booqday xafiiska wakaalada qurba joogta DDSI, ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay, xafiiska oo ay ka socoto shaqo xoogani oo ay soo buuxiyeen xafiiska. qurba joog aad u tiro badan kuwaasi oo ka qaadanayay xafiiska cadaymaha kaadhka dhalashada. Waxaana noo suurtagashay in aan la yeelano waraysi qaarka mid ah qurba joogtaasi iyaga oo xiligaasi ay is xog waraysanayaan maareeyaha wakaalada qurba joogta mudane c/bari macalin maxamed.

Waxaana ka mid ahaa sida uu sheegay wariye mukhtaar Qurbaoogta uu la kulmay Mar uu xafiiska ku Qaabilayay Maareeyaha Wakaaalada Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Bari Macalin Maxamed Mudane C/rashiid Cali Shucaac oo ka mida Xubnaha firficoon ee Jaaliyada Norway iyo Mudane Axmed Maxamed Xeef oo Hore uga Tirsanaan Jiray Been-Quutayaaashii UBBO Balse hada Midigaystay Tubta Nabada iyo Horumarka shacabkiisana baal ka raacay Garwaaqsadayna Xaqiiqda iyo Waaqica Dhabta ah ee ka Dahsoonaan Jiray Xiligii uu mukhuursanaa Mawjadihii Mala-awaalka iyo Beenta Dhaan Daban gaale. Wariyaha ayaa Waxaa uu Qumaati u waydiiyay xubnahan bal in ay ka faaloodaan Isbedelada Horumar,N/galyo iyo maamul suuban ee ka curtay Deegaanka kala Duwanaanshaha Itobiyadii Shalay ee Cadaadiska iyo Xaqiraada Qowmiyadaha ku dhisnayd iyo Itoobiyada Maanta ee Dimoqraadiyada iyoXaqdhawrka Xuquuqaha Qowmiyadah Dastuuriga ah ku dhisan taasoo ka Curatay Halgankii Bahwaaagta EPRDF.

Xubnahan ayaa Sheegay in ay Kaaf iyo kala Dheeri tahay Itoobiyadii Shalay ee Talisyadii Faashistiga ahaa hagardaamooyinka ba’an iyo Xasuuqa lagu xaqirayay Xuquuqaha Qowmiyadaha ku dhisnayd iyo Itoobiyada Maanta ee dhamaanba Sugtay Xuquuqaha Qowmiyadaha,Walaalnimada,Sinaanta,Cadaalada iyo kuwada Noolaansha Axdi-qarameed loo wada dhanyahay.

Sidoo kale waxaa iyana Nasiib daro ah in ay Shaqsiyaad ka soo Farcamay Nidaamkii Shuuiyada iskuna tilmaamaya soomaalida Itoobiya in ay Kiish wayn u toshaan ka ganacsiga Dhiiga Shacabka helay Neecawda iyo Nolosha Dimoqraadiyadeed ee laga dhaxlay Halgankii Dhiiga badan ku daatay ee EPRDF xukunka kaga Tuureen kaligii Taliskii Mingistu. Dhanka kale Qurbajoogta Waa C/rashiid iyo ahmed maxamed xeef ayaa Carabaabay in Guud ahaa Deegaanka uu Mudo gaaban ka hirgalay Isbedelo Horumarineed,N/galyo,Maalgashi iyo Xidhiidhka Dhanka Qurbajoogta taasoo ku timid kartida iyo u hagarbixida Madaxwayne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka sakow Deegaanada Dalka Itoobiya iyo Gobolada Deriska Tusay Indhaha Caalamka in DDSI ay Nabadgalyo,Maamul SaxarTiran iyo Horumar Wajiyo badan oo xawli ah Mudo Gaaban ka Taaabogalay Guud ahaan Deegaanka Qorsheyaal Horumarineed iyo Kobac Dhaqaale oo Waqti Fog,Dhexe iyo Gaabana u Dejiyeen Deegaanka taasoo Hirgalinteeda ay Fulinayaan Heerarka Qaabdhismeedyada dawlada lehna Qiimayn iyo Dabagal.

Related articles