Tababar Ku Saabsan Awooda Fulineed Ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo ka Furmay jigjiga.

08 Feb 2018 by -

Jigjiga (estvlive) 08/02/2018

Tababar uu soo diyaariyay xafiiska golaha xildhibaanada DDSI oo ku saabsan kobcinta awooda fulineed ee golaha xildhibaanada DDSI ayaa ka furmay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan.

tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan xubnaha golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay afhayeenka golaha xidhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane  Maxamedrashiid Isaaq oo ka warbixiyay ahimayda iyo ujeedooyinka tababarka wuxuuna sharax dheerka bixiyay dadaalka dheer ee uu xafiiska golaha xildhibaanada DDSI oo kaashanaya xukuumada DDSI ugu jiro taaba galinta barnaamijyada lagu kobcinayoa awooda fulineed ee golaha xildhibaanada DDSI afhayeenka ayaa sheegay in tababarkana ka mid yahay mid lagu kobcinayo awooda fulineed ee golaha xildhibaanada DDSI si gaar ahna diirada loogu saarayo isbadaladii dastuuryadii dalka soo maray waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin khaasatan dastuurka JDFI ee taahan lagu hogaamiyo dalkeena itoobiya aqiidooyinka iyo mabaadida ugaarka ah dastuura JDFI afhayeenka ayaa ku booriyay xubnaha golaha xildhibaanada DDSI in ay kaalin mug leh ka qaataan mudad uu socdo tababarkan.

Ugu dambayntii tababarkan oo socondoona mudo 2maalmood ah ayaa waxaa ka mid ah cashirada lagu qaadanayo aas-aaskii  dastuurka qaranka, hab-dhaqanka hanaanka anshaxa golaha xildhibaanada, hanaanka diyaarinta shuruucaha iyo nidaamka kormeerka iyo dabagalka hay’adaha dawlada.

Related articles